HomeCaalamkaMareykanka oo walaac ka muujiyay tijaabadii gantaalka aan laga hortagi karin ee...

Mareykanka oo walaac ka muujiyay tijaabadii gantaalka aan laga hortagi karin ee Shiinaha

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Sarkaalka ugu sareeya ciidammada Maraykanka, Mark Milley, ayaa xaqiijiyay in Shiinuhu uu dhawaan tijaabiyay gantaal xambaara nukliyeerka kaas oo ku wareegay dhulka. General Milley ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid aad looga walaaco, wuxuuna sheegay in ay soo jiidatay dareenka dhammaan ciidammada. Wuxuu TV-ga Bloomberg u sheegay in tijaabadii dhawaan ee gantaalka xawaarihiisu dheereeyo ee Shiinaha […]

- Advertisement -

Sarkaalka ugu sareeya ciidammada Maraykanka, Mark Milley, ayaa xaqiijiyay in Shiinuhu uu dhawaan tijaabiyay gantaal xambaara nukliyeerka kaas oo ku wareegay dhulka.

General Milley ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid aad looga walaaco, wuxuuna sheegay in ay soo jiidatay dareenka dhammaan ciidammada. Wuxuu TV-ga Bloomberg u sheegay in tijaabadii dhawaan ee gantaalka xawaarihiisu dheereeyo ee Shiinaha uu u dhowyahay inuu noqdo Sputnik– dayax-gacmeedkii ugu horreeyay ee 1957-kii ee Soofiyeedka– kaas oo huriyay tartanka hawada sare ee Dagaalkii Qaboobaa.

- Advertisement -

Gantaalada Hypersonic waxay ku socdaan xawaare ka badan lix kun oo kiilo mitir saacadii, taasoo ka dhigaysa mid aad u adag in la ogaado ama la burburiyo.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo falanqeeyayaasha Mareykanka ayaa ka naxay horumarka muuqda ee Shiinaha, inkastoo xukuumadda Beijing ay durbaba beenisay warbixinta ku saabsan inay si xawli ah u hormarinayso hubkeeda xambaara nukliyeerka.

Latest stories