HomeWararFarmaajo oo War kasoo saaray Doorashooyinkii Golayaasha ee ka dhacay Puntland

Farmaajo oo War kasoo saaray Doorashooyinkii Golayaasha ee ka dhacay Puntland

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay doorashadii Golayaasha degaanka ee qofka iyo Codka aheyd ee maalin kahor ka dhacday saddex degmo oo ka tirsan dowlad Goboleedka Puntland. Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa waxa  lagu sheegay in Farmaajo uu la xiriiray Guddoomiyeyaasha Ururrada Siyaasadda ee Puntland ee ku tartamay doorashada dadweynaha, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay doorashadii Golayaasha degaanka ee qofka iyo Codka aheyd ee maalin kahor ka dhacday saddex degmo oo ka tirsan dowlad Goboleedka Puntland.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa waxa  lagu sheegay in Farmaajo uu la xiriiray Guddoomiyeyaasha Ururrada Siyaasadda ee Puntland ee ku tartamay doorashada dadweynaha, isagoo ugu hambalyeeyey natiijada kasoo baxday doorashada qabsoontay.

- Advertisement -

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Maamulka iyo bulshada Puntland, Guddiga Doorashada iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb-galay sida ay ugu midoobeen ka dhabeynta qorshaha dimuqraadiyeynta Puntland.

“Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Maamulka iyo bulshada Puntland, Guddiga Doorashada iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb-galay sida ay ugu midoobeen ka dhabeynta qorshaha dimuqraadiyeynta Puntland oo tallaabadii ugu horreysay loo qaaday, isaga oo ku adkeeyey in ay sii ballaariyaan tijaabada” ayaa lagu yiri Qoraalka Villa oo aan lagu xusin Madaxda Ururada Siyaasadeed ee uu Farmaajo la xiriiray.

Guddoomiyeyaasha Ururrada Siyaasadda ayaa dhankooda uga mahadceliyey Madaxweynaha xiriirka uu la soo sameeyey iyo sida uu u dhirri-gelinayo hannaanka dimuqraadiyadeed, iyaga oo tilmaamay ifafaalaha wanaagsan ee arrintani ay u leedahay hannaanka siyaasadda dalka.

- Advertisement -

Tallaabada Farmaajo ugu hambalyeeyay doorashadii golayaasha degaanka ee ka dhacday Degmooyinka Qordho, Ufeyn iyo Eyl ayaa timid, kadib markii Madaxweynaha Puntland uu ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in uusan ogoleyn doorasho qof iyo Cod ah, maadaama uusan Puntland ugu hambalyeen doorashadii dhacday.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts