HomeWararBeesha Caalamka oo Walaac ka muujisay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya

Beesha Caalamka oo Walaac ka muujisay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Saaxiibada Beesha Caalamaka ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin xaaladaha kaal duwan ee dalka kasoo Cusboonaaday bilihii ugu dambeeyay, waxaaan si gaar ah ay u tilmaameen khilaafka kasoo dhex Cusboonaaday Madaxweyne Farmaajo iyo RW Rooble. Sidoo kale waxaa ay Saaxiibada Beesha caalamku ay tilmaameen in ay soodhaweynayaan wada hadaladii iyo isfahamkii dhawaan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Saaxiibada Beesha Caalamaka ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin xaaladaha kaal duwan ee dalka kasoo Cusboonaaday bilihii ugu dambeeyay, waxaaan si gaar ah ay u tilmaameen khilaafka kasoo dhex Cusboonaaday Madaxweyne Farmaajo iyo RW Rooble.

Sidoo kale waxaa ay Saaxiibada Beesha caalamku ay tilmaameen in ay soodhaweynayaan wada hadaladii iyo isfahamkii dhawaan dhexmaray Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, ee ay kaag heshiiyeen khilaafkii horay kaga dhexeeyay eek a dhashay Kiiskii Ikraan Tahliil iyo Xilka qaadistii fahad Yaasiin.

- Advertisement -

“Iyadoo dadka Soomalaiyeed ay xusayaan sannad-guuradii 1aad ee kasoo wareegtay Heshiiskii 17kii Sebteembar, ayaa saaxiibbada beesha caalamka waxay aad uga walaacsanyihiin in khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uu wiiqi doono xasilloonida Soomaaliya isla markaana uu carqaladayn doono geeddi-socodka doorashada. Waxaan ku boorinaynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay si degdeg ah u xalliyaan khilaafkooda, ayna ka fogaadaan isweydaarsiga qoraalada guud ee aan waxtarka u lahayn bulshada iyo ogeysiisyada hawlwadeennada, ayna dib diiradda u saaraan sidii loo soo gabagabayn lahaa doorashooyinkii waqtigooda dib uga dhacay iyadoo aan dib u dhac kale dhicin” ayaa lagu yiri  War-saxaafdeedka ay soo saarat Beesha Caalamku.

Sidoo kale Qoraalka Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in Dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin oo ay mudan yihiin maamul dowladeed oo wax ku ool ah oo loo dhan yahay. Waxaaan sidoo kale ay intaa ku dareen in Kala-qaybsanaanta socota iyo siyaasadeynta hadda ay tahay halis wiiqi karta horumarka muhiimka ah ee lagu tallaabsaday.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts