HomeCaalamkaBooliska Uganda oo ka warbixiyay Qarax ka dhacay Magaalada Kampala

Booliska Uganda oo ka warbixiyay Qarax ka dhacay Magaalada Kampala

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Booliska Uganda ayaa sheegay in qarax dilay ugu yaraan hal qof, saddex kalena ay ku dhaawacmeen kaasi oo habeenkii Sabtida ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Uganda uu ahaa “ficil argagixiso oo gudaha ah.” Afhayeenka booliska Fred Enanga ayaa sheegay in kooxda qaraxa fulisay ay yimaadeen maqaayad caan ah oo ku taalla waqooyiga Kampala, qiyaastii […]

- Advertisement -

Booliska Uganda ayaa sheegay in qarax dilay ugu yaraan hal qof, saddex kalena ay ku dhaawacmeen kaasi oo habeenkii Sabtida ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Uganda uu ahaa “ficil argagixiso oo gudaha ah.”

Afhayeenka booliska Fred Enanga ayaa sheegay in kooxda qaraxa fulisay ay yimaadeen maqaayad caan ah oo ku taalla waqooyiga Kampala, qiyaastii 8:30 pm habeenimo, ayaga oo qaraxa ku wada bac kadibna ay hoos dhigeen miis.

- Advertisement -

 

Waxyar kadib markii ay tageen, 30 daqiiqo kadib ayaa qaraxa uu dhacay, sida uu sheegay afhayeenka.

“Tuhmanayaasha waxay aaladda qarxiyeen markii ay goobta ka tageen kadib,” ayuu yiri Enanga oo weriyayaasha la hadlay, isaga oo intaas ku daray in masaamiir iyo biro ay ku jireen qaraxa.

- Advertisement -

“Dhammaan tilmaamaha waxay muujinayaan ficil argagixiso oo gudaha ah.”

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa goor sii horreysay sheegay in qaraxa “uu u muuqdo ficil argagixiso” wuxuuna wacad ku maray inuu ugaarsan doono kuwa mas’uulka ka ah.

“Shacabka yaysan cabsan, waan ka guuleysan doonnaa dambigan, sida aan uga guuleysanay dambiyada ay galeen doofaarada aan ixtiraamka u heyn nolosha bani’aadamka,” ayuu yiri.

Latest stories