HomeWararAkhriso:-Khasaaraha ka dhashay Dagaaladii Cuslaa ee ka dhacay Magaalada Guriceel

Akhriso:-Khasaaraha ka dhashay Dagaaladii Cuslaa ee ka dhacay Magaalada Guriceel

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Waxaa saakay xaalad deganaansho ah oo aan cago badan ku taagneyn laga dareemayaa Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud oo shalay ilaa xalay ay ku dagaalameen Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Maamulka Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca. Dad ku sugan Guriceel oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in saaka xaaladda ay tahay mid degan, in […]

- Advertisement -

Waxaa saakay xaalad deganaansho ah oo aan cago badan ku taagneyn laga dareemayaa Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud oo shalay ilaa xalay ay ku dagaalameen Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Maamulka Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca.

Dad ku sugan Guriceel oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in saaka xaaladda ay tahay mid degan, in kastoo dhinacyada dagaalamay ay isku hor-fadhiyaan gudaha Magaalada, ayna ku kala sugan yihiin goobihii galabka ugu dhacay xalay, waxaana labada dhinac ay saacadihii lasoo kala heleen gurmadyo Ciidan oo u kala yimid.

- Advertisement -

Dagaalkii ugu khasaaraha badnaa ayaa dhacay gelinkii dambe ee shalay, kadib markii Ciidanka Ahlusunna oo laga qabsaday Xarunta degmada Guriceel iyo Saldhiga Booliska ay dagaal rogaal celin ah ay soo qaadeen Magaalada, iyagoona ku qabsaday Xarumihii marka hore Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug kala wareegeen.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray labada dhinac ayaa ka dhashay dagaaladii dhacay, waxaana la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen in ka badan 25 ruux oo ay ku jiraan Saraakiil Ciidan, Askar iyo dad shacab ah oo rasaas haleeshay.

Dadka ku dhintay dagaalka ayaa waxaa ku jira Taliyihii Ciidanka DANAB ee Galmudug Cabdiladiif Feyfle iyo Saraakiil ka tirsanaa Ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca, waxaana ku dhaawacmay afartameeyo qof oo Xarumo Caafimaad la geeyay, si loogu daaweyo.

- Advertisement -

Xaaladda ayaa haatan degan, balse warar la helayo ayaa sheegaya in mar kale laga casbi qabo Ciidamada dowladda Federaalka, kuwa Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca uu dhexmaro dagaal qaraar, iyagoona weli is hor-fadhiya, mana jirto cid kala dhex gashay.

Latest stories