HomeWararQaramada Midoobay oo shaacisay Tirada ku Barakacay xiisada ka jirta Guriceel

Qaramada Midoobay oo shaacisay Tirada ku Barakacay xiisada ka jirta Guriceel

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Xafiiska Qaramada Midoobay ee xiriirinta Arrimaha Bani’aadamnimada ee OCHA ayaa shaaciyay tirada dadkii ka barakacay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud,  kuwaasi oo isaga cararay xiisada Colaadeed ee u dhexeeysa Ciidanka dowladda Federaalka iyo Ahlusunna Waljamaaca.

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay ku sheegtay in Colaada Guriceel ay ku barakaceen In ka badan 100,000 oo qof oo kamid ahaa dadka degaanka Magaaladaas, iyagoona aaday degaano nabad ah oo ka tirsan Galgaduud.

- Advertisement -

Xafiiska Qaramada Midoobay ee xiriirinta Arrimaha Bani’aadamnimada ee OCHA ayaa sidoo kale Warbixinta ku xusay in xiisada Ciidanka Galmudug iyo kuwa Ahlusunna ay ku fiday 28 tuulo oo miyi ah, ayna dadkii joogay ka barakaceen.

Qaramada Midoobay ayaa tilmaamtay in dadka barakacay qiyaastii 1,005 ay yihiin Carruur iyo 2,009 oo dad naafo ah, iyagoona sheegay in dadkaas ay heli la’yihiin Cuntada, Biyaha, fayadhowrka iyo adeegyada Caafimaadka.

Xiisada maalmihii lasoo dhaafay u dhexeeysay Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Maamulka Galmudug iyo Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca ayaa saaka isku bedeshay dagaal xoogan oo dhinacyada dhexmaray, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

- Advertisement -

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Guriceel ayaa sheegaya in xaaladda ay weli kacsan tahay, isla markaana la maqlayo dhawaqa rasaas xoogan oo la isku adeegsanayo dagaalka socda, waxaana Magaalada isaga barakacay dadkii deganaa.

Latest stories