HomeWararCiidanka Dowladda oo la wareegay Xarunta Degmada Guriceel iyo Saldhiga Booliska

Ciidanka Dowladda oo la wareegay Xarunta Degmada Guriceel iyo Saldhiga Booliska

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Maamulka Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca ayaa weli ka socda Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, kaasi oo bilowday waaberigii hore ee saakay. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka ka socda Guriceel oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamaya oo isku adeegsanaya […]

- Advertisement -

Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Maamulka Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca ayaa weli ka socda Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, kaasi oo bilowday waaberigii hore ee saakay.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka ka socda Guriceel oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamaya oo isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dagaalkaas uu marar qaar noqonayaa mid goosgoos ah.

- Advertisement -

Dad ku sugan Magaalada ayaa soo weriyay in Ciidanka dowladda iyo kuwa Maamulka Galmudug ee saakay weerarka soo qaaday ay Goordhow la wareegeen gacan ku heynta Saldhiga Booliska degmada Guriceel iyo Xarunta degmadaas.

Ciidamada ayaa iyaga oo wata gaadiidka nooca dagaalka lagu arkayaa waddooyinka gala iyo kuwa kabaxa Saldhiga Magaalada iyo  Xarumo kale oo ay ku sugnaayeen Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca, balse ay isaga baxeen, sida ay sheegayaan wararka.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Hoobiye uu ku dhacay Xarun Caafimaad oo ku dhow Masjidka Munawar ee Guriceel, isla markaana ay gubatay Xaruntaas, sida lagu arkayay Sawirro laga soo qaaday.

- Advertisement -

Dagaalka Guriceel ayaa haatan waxaa uu xoogiisa ka socdaa dhinaca berri ee Jaamacadda, waxaana Magaaladaas Maanta ay tahay mid colaadeed, iyadoona Guriceel ay ku hareen oo kaliya dad u badan dhalinyaro oo looga tegay Guryaha iyo hantida.

Latest stories