HomeWararMadaxweyne Axmed Madoobe oo kulan gaar ah la yeeshay Guddiyada Doorashooyinka

Madaxweyne Axmed Madoobe oo kulan gaar ah la yeeshay Guddiyada Doorashooyinka

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xalay kulan la qaatay qaar kamid ah xubnaha Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Jubbaland iyo heer Federaal iyo Guddiga xalinta khilaafadka.

Madaxweynaha ayaa xubnahan Guddiyada uga mahad celiyay sida hufan ee ay usoo dhamaystireen doorashooyinka xubnahii u danbeeyay ee Aqalka  sare ee Baarlamaanka ee Jubbaland oo khamiistii lasoo dhaafay la dhameystiray kuraastii harsaneyd.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa hoosta ka xariiqay in hada wixii ka danbeeya la guda gali doono doorashooyinka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana ay bilaabayaan diyaar garoowga qabsoomida doorashada.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xubnahan ku booriyay inay sii laba jibaaran shaqooyinka horyaala taas oo qeyb ka ah dadaalada dalka loogu jihayno Doorashooyinka oo hada muhiim u ah dalka.

Khamiistii lasoo dhaafay ayey aheyd Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ay ka dhacday doorashada lagu dhameystirayay kuraasta Aqalka Sare ee Jubbaland ku harsaneyd, kuwaasi oo gaarayay afar kursi, sidaasina lagu wada doortay 8-da Senator ee Jubbaland ku metalaya Aqalka Sare.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories