HomeWararSenator ka tirsan Aqalka Sare oo lagu doortay Magaalada Kismaayo

Senator ka tirsan Aqalka Sare oo lagu doortay Magaalada Kismaayo

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ahna Caasimadda KMG ah ee Jubbaland  ayaa waxaa ka socota doorashada Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee ku harsan dowlad Goboleedka Jubbaland. Doorashada kursiga shanaad ee Maanta ka dhacday Kismaayo ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Xasan Daahir yarrow iyo Cabdi Xuseen Cali, kuwaasi […]

- Advertisement -

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ahna Caasimadda KMG ah ee Jubbaland  ayaa waxaa ka socota doorashada Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee ku harsan dowlad Goboleedka Jubbaland.

Doorashada kursiga shanaad ee Maanta ka dhacday Kismaayo ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Xasan Daahir yarrow iyo Cabdi Xuseen Cali, kuwaasi oo kamid ah Musharaxiinta uu soo saaray Madaxweyne Axmed Madoobe.

- Advertisement -

Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa Xasan Daahir Yaroow u doortay inuu kamid noqdo Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka, wuxuuna helay Codad gaaraya 59 Cod, halka Musharaxii la tartamay ee Cabdi Xuseen Cali uu isna helay 13 Cod.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay natiijda doorashadii dhacday, isla markaana waxaa uu shaaciyay in Xasan Daahir Yaroow loo doortay Senator Aqalka Sare, waxaana doorashadaas aheyd mid hal wareeg ah.

Xildhibaanada dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa guda galay doorashada kursiga lixaad ee Aqalka Sare ee Jubbaland oo ay ku tartamayaan laba Musharax oo kala ah Ibraahim Awgaab Cusmaan iyo Farxiya Macalin Cabdi.

Latest stories