HomeWararMeydka Muwaadin Soomaaliyeed oo la aqoonsan waayay oo laga helay Koofur Afrika

Meydka Muwaadin Soomaaliyeed oo la aqoonsan waayay oo laga helay Koofur Afrika

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Waxaa Xaafadda Delf oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee Koonfur Afrika laga helay Maydka Muwaadin Soomaaliyeed oo ila iyo hadda aan la aqoonsan eheladiisa iyo caddeymo kale oo muujinaya aqoonsigiisa. Waxaana sida la sheegay uu marxuumka ku dhintay guri ay deggan yihiin Qoys koofur African ah, kuwaasi oo Soomaalida ku  ganacsata Magaaladaasi u sheegay […]

- Advertisement -

Waxaa Xaafadda Delf oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee Koonfur Afrika laga helay Maydka Muwaadin Soomaaliyeed oo ila iyo hadda aan la aqoonsan eheladiisa iyo caddeymo kale oo muujinaya aqoonsigiisa.

Waxaana sida la sheegay uu marxuumka ku dhintay guri ay deggan yihiin Qoys koofur African ah, kuwaasi oo Soomaalida ku  ganacsata Magaaladaasi u sheegay geeridiisa, waxaana ay intaas ku dareen in ay kor ka yaqaaneen oo kaliya, iyadoo magaciisa lagu soo koobay Maxamed Daahir.

- Advertisement -

Soomaalida dukaamada ku leh Tuulada Delf oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee Koonfur Afrika ayaan ilaa iyo hadda garan Maydka marxuumka, waxaana ay intaas ku dareen baaritaan dheeraad ah aysameyn doonaan, iyagoo Booliska kaashanahaya, si loo aqoonsado halka uu ka yimid marxuumkaasi Soomaaliga ah ee ilaa hadda la garan la’yahay Maydkiisa.

Dalka Koofur Afrika ayaa waxaa ku ganacsada Soomaali aad u tiro badan, kuwaasi oo ku leh ganacsiyo waa weyn, waxaana sidoo kale jira dhibaatooyin kala duwan oo ay la kulmaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool, waxaana joogta ka ah dilalka iyo dhaca loo gaysto Soomaalida.

Latest stories