HomeWararMasjidka Barakeysan ee Makah Al-Mukaramah oo si buuxdo loo furay

Masjidka Barakeysan ee Makah Al-Mukaramah oo si buuxdo loo furay

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Masjidka wayn ee barakaysan ee Makah Al-mukaramah ee waddanka Sucuudi Carabiya ayaa markii ugu horraysay si buuxdo loo furay tan iyo markii uu bilowday cudurka Covid-19, kaddib markii la khafiifiyay xayiradihii lagu xakamaynayay cudurkaasi. Waxaa meesha laga saaray Astaamihii lagu dhajiyay dhul dhaca hoose ee masjidka ee dadka ku cibaadaysanaya ka caawin jiray inay kala […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Masjidka wayn ee barakaysan ee Makah Al-mukaramah ee waddanka Sucuudi Carabiya ayaa markii ugu horraysay si buuxdo loo furay tan iyo markii uu bilowday cudurka Covid-19, kaddib markii la khafiifiyay xayiradihii lagu xakamaynayay cudurkaasi.

Waxaa meesha laga saaray Astaamihii lagu dhajiyay dhul dhaca hoose ee masjidka ee dadka ku cibaadaysanaya ka caawin jiray inay kala fogaadaan, haatanna waxaa dadka loo ogolyahay in sidii caadiga aheyd ay garbaha isku qabtaan.

- Advertisement -

Hasayeeshee waxaa qasab ah in dhammaan dadka masjidka galaya ay tallaal buuxa qaateen ayna marnaba iska furin af xirka ama Facemask-ka.

Latest stories

No posts to display