HomeCaalamkaAabaha dhalay Ninka loo heysto dilka Xildhibaankii UK oo ka hadlay falkii...

Aabaha dhalay Ninka loo heysto dilka Xildhibaankii UK oo ka hadlay falkii dhacay

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Aabaha ninka lagu tuhunsanyahay dilka Sir David Amess ayaa wargayska THE SUNDAY TIMES ee ka soo baxa dalka Ingiriiska u sheegay inuu aad uga naxay xariga wiilkiisa oo lagu xiray goobtii lagu tooriyeeyay Xildhibaanka. Xarbi Cali Kullane, oo hore u ahaa la -taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya – ayaa xaqiijiyay in wiilkiisa oo 25 jir ah […]

- Advertisement -

Aabaha ninka lagu tuhunsanyahay dilka Sir David Amess ayaa wargayska THE SUNDAY TIMES ee ka soo baxa dalka Ingiriiska u sheegay inuu aad uga naxay xariga wiilkiisa oo lagu xiray goobtii lagu tooriyeeyay Xildhibaanka.

Xarbi Cali Kullane, oo hore u ahaa la -taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya – ayaa xaqiijiyay in wiilkiisa oo 25 jir ah oo haysta dhalashada Ingiriiska uu hadda gacanta ugu jiro booliska, Xarbi ayaa sidoo kale sheegay in booliiska la-dagaallanka argagixisada ee Scotland Yard ay soo booqdeen.

- Advertisement -

Isagoo ku sugan guriga walaashiis oo ku yaala waqooyiga London ayaa Kullane wuxuu yiri: “Aad ayaan u dareemayaa naxdin. Ma ahan wax aan filayay ama xitaa ku riyooday. ”

Booliisku ayaa weerarkii ka dhacay Essex imika u baaraya sidii dhacdo argagixiso, oo laga yaabo inay la xiriirto xagjirnimada Islaamiyiinta.

Dhanka kale, waxaa socday baroor-diiq loo sameynayo xildhibaanka la dilay iyada oo shumacyo la dhigayo halkii uu weerarku ka dhacay, si loo xusuusto noloshii Sir David.

- Advertisement -

Wuxuu ninkani ku xiran yahay imika Saldhigga Boliska ee Essex, halkaasi oo ay Su’aalo ku waydiin doonaan waaxda booliiska ee ka hortagga Argagixisada. Booliiska ayaa laga yaabaa inay sii hayaan ninkan illaa Talaadada ka hor intaanay ku soo oogin dacwad, ama aysan sii daayaan.

Latest stories