HomeCaalamkaKumannaan qof oo caraysan oo dibadbax ka dhigay madaxtooyada Suudaan horteeda

Kumannaan qof oo caraysan oo dibadbax ka dhigay madaxtooyada Suudaan horteeda

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Kumannaan dibadbaxayaal ah ayaa waxa ay isugu soo baxeen afaafka hore ee madaxtooyada caasimadda Suudaan ee Khartuum iyagoo ku dhawaaqaya earyo ka dhan ah dowladda, middaas oo ay ku eedaynayaan dhibaatada haysata dhaqaalaha.

Dibadbaxa ayaa waxaa ku baaqay siyaasiyiin lala xiriiriyay xubno sarsare oo ka tirsan milateriga oo diiddan nidaamka xukun madani ah loogu wareejinayo awoodda dalka.

- Advertisement -

Kooxda isugu jirta milateriga iyo rayidka ayaa waxa ay wadaagayeen awoodda labadii sanadood ee la soo dhaafay ee xigtay markii xilka laga tuuray madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir

Iyadoo xiisadda siyaasadeed ay cirka isku sii shareerayso, ayaa ra’iisul wasaare Cabdalla Xamdook waxa uu Jimcihii sheegay in Suudaan ay dhibaato wayn ku dhexjirto, waxa uuna ku celceliyay sida ay uga go’antahay sidii loo heli lahaa qaabkii dalka lagu gaarsiin lahaa doorashooyin dimuqraadi ah.

Dibadbax midkaas ka soo horjeedo ayaa waxaa lagu baaqay in la qabto Khamiista kaas oo lagu taageerayo xukunka madaniga ah.

Latest stories