HomeWararMadaxweynaha Dowladda Kenya oo ka horyimid Go'aankii Maxkamadda ICJ

Madaxweynaha Dowladda Kenya oo ka horyimid Go’aankii Maxkamadda ICJ

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Madaxweynaha waddanka Kenya, ayaa gaashaanka u daruuray xukunka Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee qeybta libaax Muqdisho ka siiyay murankii badda ee u dhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya. Uhuru Kenyatta, ayaa ka digay in go’aanka Maxkamadda ICJ ay inta badan baddii lagu muransanaa ay ku siisayay Soomaaliya uu waxyeelayn doono xiriirkii ka dhaxeeya labada dal. Madaxweynaha […]

- Advertisement -

Madaxweynaha waddanka Kenya, ayaa gaashaanka u daruuray xukunka Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee qeybta libaax Muqdisho ka siiyay murankii badda ee u dhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya.

Uhuru Kenyatta, ayaa ka digay in go’aanka Maxkamadda ICJ ay inta badan baddii lagu muransanaa ay ku siisayay Soomaaliya uu waxyeelayn doono xiriirkii ka dhaxeeya labada dal.

- Advertisement -

Madaxweynaha Kenya ayaa waxa uu gebi ahaanba ku gacanseeray xukunka ay Maxkamadda ka soo saartay badda la sheegay inay ceegaagaan gaaska iyo naaftada, isagoo sheegay in arrintaasi ay isbaddel wayn ku keeni doonto horumarka dhaqaale iyo midka siyaasadeedba, ayna halis gelin doonto ammaanka gobolka Geeska Afrika.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa markale waxaa uu ku ku celilyay baaqiisii ahaa in wadahadal oo kaliya lagu soo afjari karo muranka, xili Maxkamadda ICJ ay badda u xukmisay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa horey maxkamadda ICJ ugu eedeysay in aysan dhexdhexaad ahayn, waxayna tilmaamtay in aysan aqbali doonin xukunka maxkamadda.

- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa sheegtay sheegtay in ay ku adkeysaneyso go’aankeedii isbuucii hore ee ahaa in aysan aqoonsaneynin xukunka Maxkamadda Cadaaladda Adduunka.

Madaweynaha muddo xileexdkiisa dhammaaday ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhankiisa soo dhaweeyay Go’aanka Maxkamadda ICJ, wuxuuna Kenya ugu baaqay inay ixtiraamto sarraynta qaanuunka caalamiga ah.

Latest stories