HomeWararWafdi ka socda Guddiga Doorashooyinka heer Federaal oo gaaray Baladweyne

Wafdi ka socda Guddiga Doorashooyinka heer Federaal oo gaaray Baladweyne

Date:

Related stories

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray kumannaan askari Xananbuure

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tababar u soo xiray kumannaan askari oo hal sano ku qaatay Xananbuure, kuwaas oo ah ciidamadii ugu badnaa ee tababar ku qaata gudaha dalka tan iyo burburkii 1991-kii.

Jeexjeexyada Maqaarka: Yaa Ku Dhaca, Ma La Daaweyn Karaa?

Jeexjeexyada maqaarka waa xarriiqo caadi ah oo ka dhalan kara miisaan isbeddel uur, koritaanka jirka ama arrimo hidde-side ah Laakiin maxa sababa, yaase ugu badan mase dhab ahaan waa la daaweyn karaa?

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle ayaa Maanta waxaa gaaray wafdi ka socda Guddiga doorashooyinka heer Federaal, iyagoona siweyn loogu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Magaaladaas ee Ugaas Khaliif. Wafdiga Guddiga doorashooyinka ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha uga hortegay oo kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulkaas […]

- Advertisement -

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle ayaa Maanta waxaa gaaray wafdi ka socda Guddiga doorashooyinka heer Federaal, iyagoona siweyn loogu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Magaaladaas ee Ugaas Khaliif.

Wafdiga Guddiga doorashooyinka ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha uga hortegay oo kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulkaas iyo xubno kale.

- Advertisement -

Warar la helayo ayaa sheegaya in ujeedka wafdiga ka socda Guddiga doorashooyinka heer Federaal ee Baladweyne uu yahay mid ku aadan u kuur gelida xaaladda Magaaladaas iyo kormeer ay ku sameeyn doonaan goobo loo Asteeyay doorashada.

Sidoo kale xubnaha Guddiga ayaa la filayaa inay kulamo kala duwan la qaatan Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan Baladweyne, isla markaana ay kala hadlaan diyaar garoowga ku aadan doorashada Golaha Shacabka oo maalmaha soo socda bilaabaneysa.

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kamid ah Magaalooyinka horey loogu qorsheeyay inay ka dhacaan doorashooyinka Xildhibaanada Golaha Shacabka gaar ahaan kuwa Hirshabeelle ku matelaya Baarlamaanka Federaalka.

Latest stories