HomeWararMaamulka Jubbaland oo Dalab Deg-deg ah u diray Hay’addaha Samafalka

Maamulka Jubbaland oo Dalab Deg-deg ah u diray Hay’addaha Samafalka

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi la socday oo muddo howlo shaqo ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulkaas. Wafdigaan ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Labada gole ee Maamulka Jubbland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku […]

- Advertisement -

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi la socday oo muddo howlo shaqo ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulkaas.

Wafdigaan ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Labada gole ee Maamulka Jubbland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Kismaayo.

- Advertisement -

Madaxweyne ku-xigeenka Maxamuud Sayyid Aadan oo warbahinta kula hadlay gudaha Garoonka ayaa waxaa uu ka hadlay xaaladda abaaraha ka jira deegaanno ka tirsan Gobolada Jubbaland, kuwaasi oo saameyn ku yeeshay nolosha dadka.

Maxamuud Sayyid ayaa faray Ganacsatada iyo hay’adaha samafalka ee gargaarka in ay kaalmo deg-deg ah lasoo gaaraan dadka ay abaaruhu saameeyeen oo ay ku jiraan qoysas danyar iyo kuwo xoolo dhaqato ah, isla markaana abaarta ay ku le’deen xoolo farabadan.

Ugu dambeyn Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa tilmaamay in dadku ay abaaruhu sameeyeen in ay Jubbaland inta awoodeeda ah ay garab istaag u sameyn doonto.

- Advertisement -

Abaaro xoogan oo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada ayaa xiligaan ka jira degaano ka tirsan Maamulka Jubbaland, waxaana abaarta baahsan ku le’day xoolo u badan Lo’, iyadoona dadka ay ku adkaatay nolosha, kadib markii la waayay biyihii laga heli jiray Ceelasha.

Latest stories