HomeWararKulan looga hadlay Amniga oo ka dhacay Magaalada Garoowe

Kulan looga hadlay Amniga oo ka dhacay Magaalada Garoowe

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Wasiirka Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa shir gudoomiyay shir looga hadlayay amniga oo ka qabsoomay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaa ahna Caasimadda Maamulka. Inta uu socday kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa amniga guud deegaanada Maamulka Puntland gaar ahaan midka Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulkaas. Wasiir […]

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa shir gudoomiyay shir looga hadlayay amniga oo ka qabsoomay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaa ahna Caasimadda Maamulka.

Inta uu socday kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa amniga guud deegaanada Maamulka Puntland gaar ahaan midka Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulkaas.

- Advertisement -

Wasiir Cabdisamad Maxamed ayaa Warbixino la xiriira amniga ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada, Milateriga, Booliska, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Duqa Garoowe, iyagoona Warbixino ka siiyay howlaha lagu sugayo amniga ee socda.

Wasiir Cabdisamad Maxamed Gallan, Taliyeyaasha ka qeyb galay kulanka iyo Mas’uuliyiinta kale ayaa soo saaray go’aamo lagu adkaynayo amniga Caasimadda Puntland iyo guud ahaan deeganada Puntland.

Kulanka  waxa ka qayb galay Lataliyaha Amniga Madaxweynaha, Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland, Taliyaha Booliiska Puntland, Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal, Gudoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Duqa degmada Garoowe.

Latest stories