HomeCaalamkaTurkiga oo hal Arrin darted diyaarado dagaal uga dalbaday Dowladda Mareykanka

Turkiga oo hal Arrin darted diyaarado dagaal uga dalbaday Dowladda Mareykanka

Date:

Related stories

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...
- Advertisement -

Turkiga ayaa ka codsaday Maraykanka inuu ka iibiyo 40 diyaaradaha dagaalka ee nooca loo yaqaan F-16, iyo weliba ku dhawaad 80 ah qalabka lagu casriyeeyo diyaaraha dagaalka.

Xukuumadda Ankara ayaa doonaysa inay casriyeyso ciidankeeda cirka kadib markii uu Maraykanka ka iibin diiday diyaaradaha dagaalka nooca u dambeeyay ee F-35, kadib khilaaf soo kala dhexgalay labada waddan.

- Advertisement -

Codsiga Turkiga oo weli maraya heer bilow ah, ayaa u baahan inay ansixiyaan wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka iyo weliba Congress-ka.

Telefishinka NTV ee Turkiga ayaa sheegay in diyaaradaha iyo qalabka ay dalbatay xukuumadda Ankara ay ugu kici doonaan lacag dhan 10 bilyan oo dollar.

Turkiga ayaa kal hore codsaday in laga iibiyo in ka badan 100 diyaaradood oo ah nooca F-35, balse waxaa laga saaray barnaamijkaas sanadkii 2019 kadib markii uu soo iibsaday habka difaaca gantaallada ee Ruushka ee loo yaqaan S-400.

Latest stories