HomeWararKenya oo shaacisay in aysan aqoonsan doonin Go'aanka Maxkamadda ICJ ee Kiiska...

Kenya oo shaacisay in aysan aqoonsan doonin Go’aanka Maxkamadda ICJ ee Kiiska Badda

Date:

Related stories

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Kenya ayaa sheegtay inaysan aqoonsan doonin go’aanka lagu wado inuu ka soo baxa Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ee ku saabsan muranka soohdinta badda ee kala dhexeeya Soomaaliya. Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Kenya, Macharia Kama,u ayaa sheegay maanta oo Jimce ah in dowladda Kenya aysan u hoggaansami doonin go’aanka ka soo […]

- Advertisement -

Kenya ayaa sheegtay inaysan aqoonsan doonin go’aanka lagu wado inuu ka soo baxa Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ee ku saabsan muranka soohdinta badda ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Kenya, Macharia Kama,u ayaa sheegay maanta oo Jimce ah in dowladda Kenya aysan u hoggaansami doonin go’aanka ka soo baxi doono maxkamadaasi.

- Advertisement -

Maxkamadda ayaa lagu wadaa in ay go’aankeeda soo saarta Talaadada soo socota oo taariikhda ku beegan tahay 12-ka Bishaan Octoober 2021. Kenya ayaa mar sii horreysay sanadkan isaga baxday dhageysiga kiiska dacwadda badda.

Muranka badda ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa in muddo ah soo jiitamayay.

Kamau ayaa sheegay in dacwadda badda ay ka baxsan tahay xeyndaabka Maxkamadda, isagoo sidoo kalana shaki geliyay dhexdhexaadnimada Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ee uu fadhigeedu yahay Magaalada Hague.

- Advertisement -

Dacwaddan oo ay Soomaaliya gaysay Maxkamadda ayuu ku tilmaamay isku day ay Muqdisho ku dooneyso inay ku xadgudubto mdaxbanaanida dhuleed ee Kenya taasi oo “soo billowday 1969.”

Si kastaba dowladda Kenya ayaa in muddo ahba ku adkeysanaysay in dacwadda badda lagu xalliyo wadahadal halka Soomaaliya ay doorbiday in lagu xalliyo Maxkamadda ICJ, waxaana xusid mudan in Dacwada la dhageystay, iyada oo Kenya ka maqan tahay.

Latest stories