HomeWararShariif Sheikh Axmed miyuu wareejinayaa Xilka Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta?

Shariif Sheikh Axmed miyuu wareejinayaa Xilka Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta?

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay shirk ku yeesheen Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, iyadoo shirka ay kasoo qayb galeen dhammaan xubnaha ku mideysan Midowga. Shirka ayaa waxaa Guddoomiyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmad, iyadoo inta shirku intii uu socday looga hadlay arrimo ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka. Waxyaabaha […]

- Advertisement -

Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay shirk ku yeesheen Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, iyadoo shirka ay kasoo qayb galeen dhammaan xubnaha ku mideysan Midowga.

Shirka ayaa waxaa Guddoomiyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmad, iyadoo inta shirku intii uu socday looga hadlay arrimo ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

- Advertisement -

Waxyaabaha sida gaar ka ah shirka loogu faaqiday ayaa waxaa ugu muhiimsanaa sidii loo dedejin lahaa hawlaha doorashooyinka.

Shirkaan ay maanta Muqdisho ku yeesheen Golaha Midowga Musharixiinta ayaa imaanaya, iydoo ay jiraan warar hoose oo soo baxaya oo sheegaya in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha in uu iska wareejin doono xilka uu hayo.

Inkastoo aysan jirin ilaa iyo hadda war rasmi ah oo arrintaasi ku aaddan, haddana saacadihii ugu dambeeyay waxaa la isla dhexmarayay, wararka ku aaddan in Shariif Sheikh Axmed uu xilka iska wareejinayo.

Latest stories