HomeCaalamkaNin sawir-gacmeed uu ku sheegay nabi Muxammad NNKH sameeyay oo shil gaari...

Nin sawir-gacmeed uu ku sheegay nabi Muxammad NNKH sameeyay oo shil gaari ku dhintay

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Farshaxaniiste u dhashey Sweden, oo sameeyey sawir gacmeed uu ku sheegay nabi Muxammad NNKH, ayaa ku geeriyoodey shil baabuur, sida ay sheegtay warbaahin maxalli ah. Lars Vilks, ayaa lagu soo waramayaa inuu la socday gaari ay leeyihiin booliiska, kaas oo ku dhacey baabuur weyn, meel u dhaw magaalada Markaryd, ee koonfurta Sweden. Laba sarkaal oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Farshaxaniiste u dhashey Sweden, oo sameeyey sawir gacmeed uu ku sheegay nabi Muxammad NNKH, ayaa ku geeriyoodey shil baabuur, sida ay sheegtay warbaahin maxalli ah.

Lars Vilks, ayaa lagu soo waramayaa inuu la socday gaari ay leeyihiin booliiska, kaas oo ku dhacey baabuur weyn, meel u dhaw magaalada Markaryd, ee koonfurta Sweden.

- Advertisement -

Laba sarkaal oo booliis ah, ayaa sidoo kale ku dhintey shilkaas, iyadoo darawalkii gaariga uu isaguna soo gaarey dhaawac.

Vilks, oo ahaa 75 sano jir, waxaa ilaalo joogto ah u sameeyay, markii ay soo gaareen hanjabaado ah in la dilayo, ka gadaal markii uu sameeyey sawir gacmeedka.

Sawir gacmeedka, ayaa la daabacey sannadkii 2007-dii, taas oo ay u arkeen Muslim badan inay tahay danbi iyo meel ka dhac tahay, in sawir toos ah laga sameeyo nabi Maxamad NNKH.

- Advertisement -

Sidoo kale, tani ayaa ku soo beegantay markii farshaxaniiste kale oo u dhashey Denmark, oo isna sawiray wax uu ku sheegay nabi Muxammad NNKH.

Booliiska ma aysan soo saarin aqoonsiga dadkii ku dhintey shilkii baabuur ee dhacey axaddii, laakiin lamaanaha ama xaaska Vilks, ayaa u xaqiijisay geerida wargeyska Dagens Nyheter.

War uu soo saarey booliiska, ayaa lagu sheegay in aaney wali cadeyn sida uu u dhacey is jiirista baabuurta, balse ma jirto wax tilmaamaya in shilkani ay ku lug leeyihiin dad kale.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts