HomeWararMadaxweynaha Koonfur Galbeed oo u ambabaxay Magaalada Baraawe iyo Ujeedkiisa

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo u ambabaxay Magaalada Baraawe iyo Ujeedkiisa

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Muqdisho ayaa u ambabaxay Magaalada Baraawe ee Caasimadda Maamulkaas. Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen oo Goordhow ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya Wasiiro, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka koonfur […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Muqdisho ayaa u ambabaxay Magaalada Baraawe ee Caasimadda Maamulkaas.

Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen oo Goordhow ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya Wasiiro, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka koonfur Galbeed.

- Advertisement -

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in ujeedka Madaxweyne Lafta-gareen ee Magaalada Baraawe uu yahay mid la xiriira kulamo uu la qaadan doono Maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Maamulka Baraawe kala hadli doona xaaladda guud ee deegaanka, ammaanka iyo shaqooyinka kale ee ka socda Magaalada, waxaana halkaas ka socota qaban-qaabada soo dhaweynta Lafta-gareen iyo wafdiga la socda.

Ammaanka guud ee Magaalada Baraawe ee Caasimadda Maamulka KGS ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana xusid in Magaaladaas ay kamid ah tahay Magaalooyinkaas loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.

Latest stories