HomeWararJawaari oo Baaq u diray Guddoonka Guurtida iyo Golaha Wakiilada Somaliland

Jawaari oo Baaq u diray Guddoonka Guurtida iyo Golaha Wakiilada Somaliland

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay inuu ka xun yahay falkii Somaliland kusoo masaafurisay Dad kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya oo kunoolaa Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Jawaari oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa tallaabada ay dadka kusoo masaafurisay Somaliland ku tilmaamay inay tahay mid kasoo horjeeda shareecada Islaamka iyo Soomaalinimada, wuuxuna sheegay inay aad uga xun yihiin tallaabadaas.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ayaa Guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland iyo kan Guurtida ugu baaqay in arrintaan si qoto dheer Ajende uga dhigaan, isla markaana lagula xisaabtamo dadkii geystay falkan dhaawacaya Somaliland.

“Guddoonka Guurtida iyo Golaha Wakiilada Soomaaliland arintan waa inay ajande ka dhigaan in dad shaqeysanaayo in sidii xoolahii Baabuur lagu soo raro waa masuuliyad daro cidii Ka dambeysayna waa inay sharciga maraan” ayuu yiri Jawaabi oo xusay in laga soo gudbay tallaabada ay ku dhaqaaqday Somaliland ee dadka ay kusoo masaafurisay.

Jawaari ayaa Odayaasha dhaqanka, Culimada iyo hay’addaha u dooda xuquuqda dadka ka dalbaday inay ka dhii-dhiyaan dadka ay Somaliland masaafurisay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool oo isugu jiray Haween, Carruur iyo dhalinyaro.

Somaliland ayaa ku eedeysay dadka ay kasoo masaafurisay Magaalada Laascaanood inay ka dambeeyeen falal amni darro oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay Magaaladaas, xili falalka dhacay ay geysteen rag hubeysan oo aan heybtooda la garan.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories