HomeWararSomaliland oo howlgal ku qabatay Dad badan oo kasoo jeeda Koonfurta Somalia

Somaliland oo howlgal ku qabatay Dad badan oo kasoo jeeda Koonfurta Somalia

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Ciidanka Booliska Somaliland ee Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa habeenkii xalay aheyd howlgalka ballaaran waxaa ay ka sameeyeen xaafaddo ka tirsan Laascaanood, kaasi oo socday saacado dhowr ah. Howlgalka Ciidamada ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay dad farabadan oo ay ku jiraan Ganacsatada yar yare ee ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Baay […]

- Advertisement -

Ciidanka Booliska Somaliland ee Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa habeenkii xalay aheyd howlgalka ballaaran waxaa ay ka sameeyeen xaafaddo ka tirsan Laascaanood, kaasi oo socday saacado dhowr ah.

Howlgalka Ciidamada ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay dad farabadan oo ay ku jiraan Ganacsatada yar yare ee ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Baay iyo Bakool, iyagoona la isugu geeyay gudaha Garoonka kubadda Cagta Cabdi Bile ee Magaalada.

- Advertisement -

Saraakiisha Amniga Somaliland ee Laascaanood ayaa sheegay inay baaritaano kala duwan ku wadaan dadka lagu qabtay howlgalka oo qaarkood lasii daayay, waxaana dadka weli la haayo loo diiday inay u tegaan dadkooda.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in inta uu socday howlgalka ay sameeyeen Ciidanka Booliska Somaliland ay jirdil u gaysteen qaar kamid ah Ganacsatada, isla markaana la weydiiyay in xiriir kala dhexeeyo Al-shabaab.

Howlgalka laga fuliyay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa yimid, kadib markii muddooyinkii dambe ee Magaaladaas ku bateen falalka amni darro, iyadoona halkaas lagu dilay Mas’uuliyiin iyo xubno kale oo ay fuliyeen dabley hubeysan.

Latest stories