HomeWararSheekh Shaakir oo sheegay in Galmudug ay mar kale soo weerartay Ahlusunna

Sheekh Shaakir oo sheegay in Galmudug ay mar kale soo weerartay Ahlusunna

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Xiisad ayaa weli ka taagan Gobolka Galgaduud, kaddib markii shalay ciidamo ka tirsan Ahlusunna ay qabsadeen Magaalada Guriceel ee Galgaduud, Khamiistiina uu dagaal culus ka dhacay deegaanka Bohol oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Dhuusamareeb. Hoggaamiyaha Ahlusunna Waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay in maamulka Galmudug […]

- Advertisement -

Xiisad ayaa weli ka taagan Gobolka Galgaduud, kaddib markii shalay ciidamo ka tirsan Ahlusunna ay qabsadeen Magaalada Guriceel ee Galgaduud, Khamiistiina uu dagaal culus ka dhacay deegaanka Bohol oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Dhuusamareeb.

Hoggaamiyaha Ahlusunna Waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay in maamulka Galmudug meeshii uu la dagaallami lahaa Al-Shabaab ay soo weerareen Ahlusunna

- Advertisement -

Wuxuu sheegay Sheekh Shaakir in ujeedkooda ugu weyn ee ay u joogaan Gobolka Galgaduud ee uu yahay la dagaallanka Al-shabaab iyo in la hagaajiyo wixii ka khaldan sida uu sheegay maamulka Galmudug ee  uu hoggaamiyo Madaxweyne Qoorqoor.

Dagaal u dhexeeyay Ciidamada dowladda Federaalka, kuwa Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna ayaa maalmo kahor ka dhacay degaanka Bohol ee duleedka Magaalada Dhuusamareeb, waxaana dagaalkaas ku geeriyooday in ka badan 10 qof.

Ciidanka Ahlusunna Waljameeca ayaa duhurnimadii dagaal la’aan qabsaday Magaalada Guriceel, kadib markii halkaas ay isaga baxeen Ciidanka dowladda iyo kuwii Galmudug ee joogay, iyadoona Ahlusunna mamnuucday in Garoonka Guriceel kasoo degto diyaarad sida hub iyo Ciidan.

- Advertisement -

Hoggaanka Ahlusunna ee Macalin Maxamuud Sheekh Xasan iyo Sheekh Maxamed Shaakir oo mudo ka maqnaa deegaanada Galmudug ayaa dhawaan halkasai dib ugu laabtay, waxa ayna durba bilaabeen abaabul ay ku doonayaan in mar kale dib ula wareegaan deegaanadii horey looga saaray maamulkooda.

Latest stories