HomeCaalamkaIn ka badan 500 Muhaajiriin ah oo lagu guray Xabsi weyn iyo...

In ka badan 500 Muhaajiriin ah oo lagu guray Xabsi weyn iyo halis jirta

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Qoraal uu soo saaray Agaasimaha Hay’adda Qaxootiga Norway ee dalka Liibiya Dax Roque, ayaa ka warbixiyay xarig wadareed loo geeystay 500 oo muhaajiriin ah oo Jimcihii lagu xiray magaalada Tripoli. “Waxaan ka naxay wararka sheegaya qabqabashada dadka tirada badan ee muhaajiriinta ee Tripoli. Waxaan maqleynaa in ka badan 500 oo muhaajiriin ah, oo ay ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Qoraal uu soo saaray Agaasimaha Hay’adda Qaxootiga Norway ee dalka Liibiya Dax Roque, ayaa ka warbixiyay xarig wadareed loo geeystay 500 oo muhaajiriin ah oo Jimcihii lagu xiray magaalada Tripoli.

“Waxaan ka naxay wararka sheegaya qabqabashada dadka tirada badan ee muhaajiriinta ee Tripoli. Waxaan maqleynaa in ka badan 500 oo muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, la uruuriyay, si sharci darro ahna loo xiray, waxayna halis ugu jiraan xadgudub iyo in loola dhaqmo si aan habbooneyn” ayuu lagu yiri warbixin uu soo saaraay Dax Roque, oo ahagaasimaha Hay’adda Qaxootiga Norway ee Dalka Liibiya.

- Advertisement -

Muhaajiriinta iyo qaxootiga ku sugan Liibiya, gaar ahaan kuwa aan haysan deggenaanshaha sharciga ah ee dalkaas, ayaa inta badan halis ugu jira xabsi aan loo meel dayin, jirdilka, tacaddiyada galmada, iyo baadda oo aad ugu badan xarumaha dadka lagu hayo ee Liibiya.

“Waxaan rumaysanahay in mowjaddan ugu dambaysa ee qabqabashadu ay qayb ka tahay cadaadiska ballaaran ee maamulka Liibiya ku hayo muhaajiriinta iyo qaxootiga ku sugan Liibiya” ayuu bayaankan sii raaciyay.

Hay’addan ayaa sidoo kale ugu baaqday,mas’uuliyiinta Liibiya inay si deg -deg ah u sii daayaan dadka xiran isla markaana ay joojiyaan cadaadiska ka dhanka ah muhaajiriinta iyo qaxootiga., waxayna wadamada xiriirka la leh Liibiya, gaar ahaan dowladaha Yurub ugu baaqeen inay kale kor u qaadaan dib -u -dejinta qaxootiga ku sugan Liibiya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts