HomeWararBooliska Puntland oo Dad u xiray weerar ka dhacay Magaalada Garoowe

Booliska Puntland oo Dad u xiray weerar ka dhacay Magaalada Garoowe

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Puntland ayaa Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ahna Caasimadda Maamulkaas ku xiray shan ruux oo kamid ah dadka deegaanka Magaalada, sida ay sheegayaan wararka la helayo. Sababta shanta ruux ay Booliska Puntland u xireen ayaa waxaa lagu sheegay in dadkaas ay kamid yihiin laba dhinac oo u dhexeeyo arrimo muran […]

- Advertisement -

Ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Puntland ayaa Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ahna Caasimadda Maamulkaas ku xiray shan ruux oo kamid ah dadka deegaanka Magaalada, sida ay sheegayaan wararka la helayo.

Sababta shanta ruux ay Booliska Puntland u xireen ayaa waxaa lagu sheegay in dadkaas ay kamid yihiin laba dhinac oo u dhexeeyo arrimo muran dhuleed oo isku heystaan, isla markaana dhinac kamid ah uu xalay weerar ku qaaday Guri yaalla Garoowe.

- Advertisement -

Rag hubeysan ayaa weeraray Guriga, isla markaana waxaa ay Ciidanka Booliska Maamulka Puntland u qabteen weerarkaas dhacay shantan ruux ee la xiray, kuwaasi oo lagu haayo Saldhig ay leeyihiin Ciidamada.

Ma jiro khasaaro ka dhashay weerarkii xalay ka dhacay Caasimadda Puntland, kaasi oo geysteen rag hubeysan oo baxsaday, waxaana la sheegay in weerarkii dhacay xalay uu la xiriiro midkii habeen hore lagu qaaday Guriga Taliyaha Booliska Nugaal Maxamed Aaden Jaamac (Degelle).

Taliye Maxamed Aadan (Degelle) ayaa sheegay in weerarkii lagu soo qaadaay Gurigiisa ay fuliyeen dad laga xukumay dhul muran ka taagnaa, kadib markii la xiray ninkii u weynaa oo diiday in uu u hoggaansamo xukunka.

Latest stories