HomeWararRa’iisul Wasaare Rooble oo War kasoo saaray Doorashadii Aqalka ee Somaliland

Ra’iisul Wasaare Rooble oo War kasoo saaray Doorashadii Aqalka ee Somaliland

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay doorashadii Aqalka Sare ee Gobolada waqooyi ee Somaliland ee Maanta ka dhacday Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaare Rooble oo qoraal soo saaray ayaa waxaa uu hambalyo ugu diray Lix Senator ee Gobolada Waqooyi ku metalaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka, kuwaasi […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay doorashadii Aqalka Sare ee Gobolada waqooyi ee Somaliland ee Maanta ka dhacday Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo qoraal soo saaray ayaa waxaa uu hambalyo ugu diray Lix Senator ee Gobolada Waqooyi ku metalaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka, kuwaasi oo kusoo baxay doorashadii ka dhacday Teendhada Afisyooni.

- Advertisement -

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku boggaadiyay ergada iyo guddiyada maamulka doorashada sida xilkasnimada leh ee ay howsha u maamuleen, isagoona rajeeyay in doorashada ku dhammaato si nabdoon oo hufan.

“Waxaan ammaanayaa ergada iyo guddiyada maamulka doorashada sida xilkasnimada leh ee ay howsha u maamuleen. Waxaan rajeynayaa in doorashadu noogu dhammaato si nabdoon oo hufan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooable.

Doorashadii Maanta ka dhacday Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu doortay lix kursi oo kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland, waxaana kusoo baxay Senatorada kala ah:

- Advertisement -

1-Cabdi Xaashi Cabdullaahi

2- Saalax Axmed Jaamac

3- Prof.Cabdi Ismaaciil Samatar

4- Cismaan Abokor Dubbe

5- Layla Axmed Ismaaciil

6- Bilaal idiris Cabdullaahi

Latest stories