HomeWararProf. Cabdi Ismaaciil iyo Wasiir Dubbe oo loo doortay Senataro ka tirsan...

Prof. Cabdi Ismaaciil iyo Wasiir Dubbe oo loo doortay Senataro ka tirsan Aqalka Sare

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ku guuleystay inuu noqdo Senatar ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib doorasho adeg oo Maanta ka dhacday Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho. Doorashada uu kusoo baxay Prof. Cabdi Ismaaciil ayaa waxaa kula tartamay Musharaxiinta kala ah Prof. Maxamed Maxamuud Allabari iyo Cabdiraxmaan Cismaan Cali, iyada doorashada […]

- Advertisement -

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ku guuleystay inuu noqdo Senatar ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib doorasho adeg oo Maanta ka dhacday Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Doorashada uu kusoo baxay Prof. Cabdi Ismaaciil ayaa waxaa kula tartamay Musharaxiinta kala ah Prof. Maxamed Maxamuud Allabari iyo Cabdiraxmaan Cismaan Cali, iyada doorashada kursigaas aheyd mid aad loogu loolamay.

- Advertisement -

Doorashada ka dhacday Teendhada Afisyoonio oo laba wareeg la galay ayaa waxaa wareegii koowaad u gudbay Prof. Cabdi Ismaaciil iyo Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, waxaana wareegaas ku haray Cabdiraxmaan Cismaan.

Guddiga doorashada ayaa shaaciyay in kursigan loo tartmayay uu ku guuleestay Prof. Cabdi Ismaacil Samatar oo helay codad gaaraya 25 Cod, halka Musharaxa wareegii ugu dambeeyay la tartamayay Prof. Maxamed Allabari uu helay 21 Cod.

Sidoo kale Ergada doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xilgaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe u doortay inuu kamid noqdo Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

- Advertisement -

Wasiir Dubbe ayaa waxaa doorashada kula tartamay Musharax Cabdikariin Maxamed Xasan oo difaacanayay kursiga, waxaana Wasiirka Warfaafinta Dubbe uu helay Codad gaaraya 28 Cod, halka Cabdikariin Maxamed uu helay 17 Cod, Hal Cod ayaana halaabay.

Latest stories