HomeWararCiidamada Booliska Haramcad oo howlgal ka sameeyay Magaalada Jowhar

Ciidamada Booliska Haramcad oo howlgal ka sameeyay Magaalada Jowhar

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Haramcad ee ku sugan Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa Magaaladaas waxaa ay ka sameeyeen howlgalo saacado socday. Ciidamada Booliska ayaa howlgalka intiisa badan ka sameeyay afarta xaafad ee ka kooban tahay Magaalada Jowhar, waxaana Ciidamada Haramcad inta uu socday howlgalka ay baaritaano ku sameeynayeen gaadiidka noocyadiisa […]

- Advertisement -

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Haramcad ee ku sugan Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa Magaaladaas waxaa ay ka sameeyeen howlgalo saacado socday.

Ciidamada Booliska ayaa howlgalka intiisa badan ka sameeyay afarta xaafad ee ka kooban tahay Magaalada Jowhar, waxaana Ciidamada Haramcad inta uu socday howlgalka ay baaritaano ku sameeynayeen gaadiidka noocyadiisa ee wadada isticmaalayay.

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Booliska Haramcad ee Jowhar Nuur Ibraahim Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in ujeedka howlgalka Ciidamada amniga ka sameeyeen Caasimadda Hirshabeelle uu yahay mid lagu doonayo xaqiijinta amniga Magaalada.

Taliye Nuur Ibraahim ayaa tilmaamay in amniga Jowhar uu yahay mid wanaagsan oo la isku haleeyn karo, isla markaana uu ku sugan yahay, ayna sii wadani doonaan howlgalada, wuuxuna shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa maalmo kahor ka dhacday doorashada Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana la filayaa in Magaaladaas ka dhacdo doorashada laba kursi oo ka harsan kuraasta Aqalka Sare ee Maamulka Hirshabeelle.

Latest stories