HomeWararAkhriso:-Lix kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland oo lagu doortay Muqdisho

Akhriso:-Lix kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland oo lagu doortay Muqdisho

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Doorashada Lix kursi oo kamid ah kuraasta Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Maanta oo Arbaco ah ka dhacday Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho, iyada doorashada kuraasta qaar aad loogu loolamay. Ergada doorashada Somaliland ayaa kursigii ugu horreeyay ee Aqalka Sare Cod gacan taag ah ugu Codeeyay Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo […]

- Advertisement -

Doorashada Lix kursi oo kamid ah kuraasta Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Maanta oo Arbaco ah ka dhacday Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho, iyada doorashada kuraasta qaar aad loogu loolamay.

Ergada doorashada Somaliland ayaa kursigii ugu horreeyay ee Aqalka Sare Cod gacan taag ah ugu Codeeyay Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo helay Codad gacan taag ah oo gaarayay 44 Cod, kadib markii uu tanaasulay Musharaxii la tartamayey ee Saciid Cumar Xuseen.

- Advertisement -

Kursiga labaad ayaa waxaa ku guuleystay Salaax Axmed Jaamac oo ah Wasiirka Dastuurka Xukuumadda xilgaarsiinta oo helay 29 Cod, halka Musharaxiinta la tartamayey oo ahaa Ibraahim Iidle Suleymaan uu isna helay 12 Cod.

Kursiga saddexaad Aqalka Sare ee Somaliland ayaa waxaa ku loolamay Saddex Musharax oo kala Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, Prof. Maxamed Maxamuud Allabari iyo Cabdiraxmaan Cismaan Cali, waxaana doorashada kursigaas la galay laba wareeg.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ku guuleystay kursiga saddexaad, wuxuuna helay 25 Cod, halka Musharaxii kale ee la gudbay wareega koowaad ee Prof. Maxamed Maxamuud Allabari uu helay 21 Cod.

- Advertisement -

Kursiga Afaraad ayaa waxaa kusoo baxay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe oo helay 28 cod, isla markaana waxaa uu ka guuleystay Musharax Cabdikariin Maxamed Xasan oo helay 17 Cod.

Layla Axmed Ismaaciil ayaa ku guuleysatay xubinnimada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi, waxaana loogu codeeyay Cod gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay Murashaxii la tartami lahaa ee Maxamed Maxamuud Cabdi.

Kursiga Lixaad ee ugu dambeeyay doorashadii Maanta ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa waxaa ku guuleystay Bilaal Idiris Cabdullaahi oo helay Codad gaaraya 37 Cod, halka Musharaxii la tartameysay ee Saynab ay heshay 8 Cod.

Latest stories