HomeCaalamkaSuudaan oo iska caabisay Ciidamo Itoobiyaan oo weerar ku qaaday

Suudaan oo iska caabisay Ciidamo Itoobiyaan oo weerar ku qaaday

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Suudaan ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay Sabtidii iska caabiyeen ciidamo Itoobiyaan oo isku day weerar ah kusoo qaaday dhulkeeda. Madaxa militeriga Suudaan, Janaraal Cabdel Fataax Al Burhan ayaa sheegay in tallaabadan ay muujineyso in ciidamada ay difaacayaan dhulkooda kadib isku daygii militeri ee dhawaan ka dhacay Suudaan. Bayaan kasoo baxay dowladda Suudaan ayaa lagu sheegay […]

- Advertisement -

Suudaan ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay Sabtidii iska caabiyeen ciidamo Itoobiyaan oo isku day weerar ah kusoo qaaday dhulkeeda.

Madaxa militeriga Suudaan, Janaraal Cabdel Fataax Al Burhan ayaa sheegay in tallaabadan ay muujineyso in ciidamada ay difaacayaan dhulkooda kadib isku daygii militeri ee dhawaan ka dhacay Suudaan.

- Advertisement -

Bayaan kasoo baxay dowladda Suudaan ayaa lagu sheegay in isku dayga weerar uu ka dhacay degmada Umm Barakit.

Warbaahinta Al Jazeera oo soo xiganeyso ilo wareedyo ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay sidatan, “Waxaan beenineynaa wararka sheegayo in ciidamadeena ay u dhaqaaqeen dhinaca xadka Suudaan ama ay duulaan ku qaadeen deegaanka”

Degmada Umm Barakit waxay dhacdaa gobolka lagu muransan yahay ee Al Fashaqa halkaas oo ay ka taagneyd xiisad.

Latest stories