HomeWararWasiirka amniga oo sheegay inay qaadi doonaan tallaabo amni, kadib Qaraxii Maanta

Wasiirka amniga oo sheegay inay qaadi doonaan tallaabo amni, kadib Qaraxii Maanta

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Wasiirka Wasaaradda amniga Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa si kulul u cambaareeyay Qaraxii Maanta ka dhacay Barta Koontarool ee Madaxtooyada laga ilaaliyo ee ku taalla Isgoyska Ceel-gaabta ee Magaalada Muqdisho. Wasiir Cabdullaahi Maxamed oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu marka hore tacsi ugu diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan ehelada […]

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda amniga Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa si kulul u cambaareeyay Qaraxii Maanta ka dhacay Barta Koontarool ee Madaxtooyada laga ilaaliyo ee ku taalla Isgoyska Ceel-gaabta ee Magaalada Muqdisho.

Wasiir Cabdullaahi Maxamed oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu marka hore tacsi ugu diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan ehelada iyo asaxaabta shacabka ay ka geeriyoodeen dadkii ku naf-waayay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee uu fuliyay darawal waday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

- Advertisement -

Wasiirka amniga ayaa Alle uga baryay inuu u naxariisto dadkii ku geeriyooday qaraxa, isla markaana waxaa uu Alle Caafimaad u weydiiyay dadkii ku dhaawacmay oo haatan lagu dabiibayo Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Muqdisho.

Wuxuu shacabka Soomaaliyeed u ballan qaaday Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur in hay’addaha amniga qaadi doonaan tallaabo amniga dalka gaar ahaan Magalada Muqdiaho oo wax muuqda looga qabanayo amniga Caasimadda.

Inta la xaqiijiyay 8 ruux oo ay kamid aheyd haweeney ka shaqeyneysay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa ku geeriyooday qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana ku dhaawacmay 9 qof kale oo shacab ahaa.

- Advertisement -

Latest stories