HomeWararFaah faahin:-Ciidamo Kenyaati ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Qarax xoogan

Faah faahin:-Ciidamo Kenyaati ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Qarax xoogan

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Wararka aan ka heleyno degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in galabta halkaas uu ka dhacay Qarax geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxaas oo ahaa miino nuuca dhulka la geliyo ah laguna aasay afaafka hore Saldhig Ciidamada Kenya ay […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in galabta halkaas uu ka dhacay Qarax geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxaas oo ahaa miino nuuca dhulka la geliyo ah laguna aasay afaafka hore Saldhig Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Ceelwaaq, waxaana qaraxa kadib la maqlay rasaas xoogan oo ay fureen Ciidanka.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay qaraxa dhacay ayaa waxaa ku geeriyooday saddex Askari oo ka tirsan Ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, halka lix kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kuwaasi oo ku sugnaa banaanka Saldhiga uu qaraxu ka dhacay.

Ciidamada dowladda Kenya ayaa sidoo kale afduubtay labo qof oo shacab ah oo ka agdhawaa goobta u qaraxa ka dhacay, kuwaas oo ahaa dhalinyarada ku xamaalato mootadda, welina lama oga hadla ay la aadeen raggaas.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka degmada Ceelwaaq ee Gobolka ee Koonfurta Soomaaliya oo ay uga hadlayaan afduubka Ciidanka Kenya u geysteen laba dhalinyaro oo kamid ah dadka deegaanka degmada, isla markaana ahaa darawalo Mooto.

Latest stories