HomeCaalamkaSaraakiil loo xirxiray Afgembigii dhicisoobay ee ka dhacay dalka Suudaan

Saraakiil loo xirxiray Afgembigii dhicisoobay ee ka dhacay dalka Suudaan

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Afhayeenka Golaha KMG ee haya Talada dalka Sudan, Maxamed Al-Faki Suleymaan ayaa xaqiijiyey in inta badan Saraakiishii ku lugta lahaa Afgembigii la fashiliyey gacanta lagu hayo, marka laga reebo Sarkaalkii hoggaaminayey isku-dayga Afgembiga. Cutub ka tirsan Ciiddanka Gawaarida Gaashaaman ee Taangiyada ayaana ku lug lahaa Afgembigii la fashiliyey. Warar ayaa waxay sheegayaan in Saraakiil taabacsan […]

- Advertisement -

Afhayeenka Golaha KMG ee haya Talada dalka Sudan, Maxamed Al-Faki Suleymaan ayaa xaqiijiyey in inta badan Saraakiishii ku lugta lahaa Afgembigii la fashiliyey gacanta lagu hayo, marka laga reebo Sarkaalkii hoggaaminayey isku-dayga Afgembiga.

Cutub ka tirsan Ciiddanka Gawaarida Gaashaaman ee Taangiyada ayaana ku lug lahaa Afgembigii la fashiliyey.

- Advertisement -

Warar ayaa waxay sheegayaan in Saraakiil taabacsan Madaxweynihiihore ee hore ee dalkaasi, General Cumar Xasan Albashiir, ka dambeeyeen Isku-dayga ay ku doonayeen inay kula wareegaan Xarumaha Warbaahinta Qaranka ee Suudaan.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Dowladda Suudaan oo la hadlay Wakaalladda Wararka AFP ayaa sheegay inay Saraakiisha ku fashilmeen inay qabsadaan Xarumaha Warbaahinta Qaranka ee ku yaalla magaalladda umudurmaan ee mataanka la ah Caasimada dalkaasi ee Khartuum.

Ciiddan oo watay Gawaarida gashaaman ayaa xilli kooban xireen Buundada Webiga Cad ee isku xira Khartuum iyo Troops, halkaasi oo ay ku yaallaan Xarumaha Ciiddanka Gaashaman.

- Advertisement -

Waddanka Suudaan waxaa horay uga dhacay Tobaneeyo Afgembi Milliteri oo kii ugu dambeeyey xilka looga tuuray Madaxweynihii hore ee dalkaasi, General Cumar Xasan Albashiir bishii April ee sanadkii 2019-kii.

Latest stories