HomeWararMadaxweyne Guudlaawe oo farriin u diray Senatorada cusub ee Hirshabeelle

Madaxweyne Guudlaawe oo farriin u diray Senatorada cusub ee Hirshabeelle

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Jowhar kulan casho sharaf ugu sameeyay qaar  kamid ah Senatorada cusub ee Aqal Sare Baarlamaanka Federaalka ee Maamulkaas. Kulanka oo ahaa mid soo dhaweyn ah ayaa waxaa uu marka hore Madaxweyne Cali Guudlaawe Senatorada cusub ugu hambalyeeyay guusha ay ka gaareen […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Jowhar kulan casho sharaf ugu sameeyay qaar  kamid ah Senatorada cusub ee Aqal Sare Baarlamaanka Federaalka ee Maamulkaas.

Kulanka oo ahaa mid soo dhaweyn ah ayaa waxaa uu marka hore Madaxweyne Cali Guudlaawe Senatorada cusub ugu hambalyeeyay guusha ay ka gaareen doorashadii Aqalka Sare ee ka dhacday Magaalada Jowhar.

- Advertisement -

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Senatorada Hirshabeelle ku metelaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka kula dardaarmay inay u shaqeeyaan bulshada Hirshabeelle, kana shaqeeyaan Midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

“Waxan ugu hambalyeeyay guusha ay gaareen waxaana kula dardaarmay inay u shaqeeyaan bulshada Hirshabeelle kana shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe oo ka hadlay kulanka.

Kulanka Casho sharafta waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yusuuf Axmed Hagar Daba-geed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdixakiin Luqmaan Maxamed, Guddoomiye ku-xigeenka, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka.

- Advertisement -

Maalmaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe lagu doorto labada Sanatar ee harsan, si ay u dhameystiranto 8 Sanatar ee Aqalka Sare Baarlamaanka ku matala dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Latest stories