HomeWararPuntland oo shaacisay in khilaafka Farmaajo iyo Rooble lagu xalinayo Garoowe

Puntland oo shaacisay in khilaafka Farmaajo iyo Rooble lagu xalinayo Garoowe

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in khilaafka xoogan ee u dhexeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble lagu xalinayo Magaalada Garoowe.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdi Ibraahim Warsame Qawdhan oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in Arrimo badan oo kamid yihiin dastuur jebinta iyo hor socod la’aanta doorashada lagu xalin doono Garoowe.

- Advertisement -

Cabdi Ibraahim Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda ayaa tilmaamay in khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble xalkooda uu yaallo Puntland, isla markaana ka shaqeyn doonaan sidii loo dhameyn lahaa khilaafka.

“Soo dhawaada ayaan idin leenahay Madaxda maamuladow Hooyada Federaalka gacmo furan ayey idinla diyaar tahay doorasho ayeyna rabtaa” ayuu ku yiri Qoraalka uu soo saaray Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda, isagoo muujiyay rajo wanaagsan.

Magaalada Garoowe ayaa lagu wadaa in maalinta khamiista uu ka furmo Shir u dhexeeya Madaxda maamul Goboleedyada dalka oo kaliya, kaasi oo ay uga hadli doonaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, Arrimaha doorashooyinka iyo khilaafka Madaxda, waxaana Shirkaas uu ku aaday, xili uu xoogeystay khilaafka labada Mas’uul.

- Advertisement -

Latest stories