HomeWararFaransiiska oo Eedeyn culus u jeedisay Dowladdaha Mareykanka & Australia

Faransiiska oo Eedeyn culus u jeedisay Dowladdaha Mareykanka & Australia

Date:

Related stories

NCA oo digniin u dirtay hawl-wadeennada Kaabayaasha Muhiimka ah

Ma ilaashan tahay Kaabeyaasha Muhiimka ah ee Soomaaliya khataraha saaybarka? NCA waxay soo saartay Hannaankii Qaran ee Maareynta Khataraha – maxaad ka ogtahay?

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa ku eedeeyay Australia iyo Mareykanka inay ka been sheegeen heshiis cusub oo dhanka amniga ah oo sababay in Paris ay u yeerto safiirradeeda. Wareysi uu siiyay telefishinka France 2, Jean-Yves Le Drian ayaa sidoo kale ku eedeeyay waddamada “khiyaano iyo in ay jabiyeen kalsoonida dhextaalay”. Heshiiska, oo loo yaqaan […]

- Advertisement -

Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa ku eedeeyay Australia iyo Mareykanka inay ka been sheegeen heshiis cusub oo dhanka amniga ah oo sababay in Paris ay u yeerto safiirradeeda.

Wareysi uu siiyay telefishinka France 2, Jean-Yves Le Drian ayaa sidoo kale ku eedeeyay waddamada “khiyaano iyo in ay jabiyeen kalsoonida dhextaalay”.

- Advertisement -

Heshiiska, oo loo yaqaan Aukus, wuxuu Australia u ogolaanayaa inay hesho farsamadii ay ku dhisi lahayd maraakiibta quusta ee quwada nukliyeerka. Tallaabadan ayaa carqaladeysay heshiis balaayiin dollar ku kacaya oo Faransiisku la galay Australia.

Heshiiska, oo sidoo kale ay ku jirto UK, ayaa si weyn loogu arkaa inuu yahay dadaal looga hortagayo saameynta Shiinaha ee Badda Koonfurta Shiinaha ee lagu muransan yahay.

Faransiiska ayaa lagu wargeliyay saacado uun ka hor inta aan lagu dhawaaqin heshiiska horraantii toddobaadkan. Isagoo hadlaya Sabtidii, Mr Le Drian wuxuu sheegay in “xiisad daran” ay ka dhex jirto xulafada.

Latest stories