HomeWararGuddiga Doorashada Hirshabeelle oo ka Jawaabay Cabasho uga timid Musharaxiin

Guddiga Doorashada Hirshabeelle oo ka Jawaabay Cabasho uga timid Musharaxiin

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa ka Jawaabay  cabasho ay u soo gudbiyeen qaar kamid ah Musharaxiinta u tartameysa Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee Hirshabeelle. Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in aysan waxba ka jirin cabashada ay u soo gudbiyeen qaar kamid ah Musharaxiinta kursiga Aqalka Sare ee sumadiisu tahay […]

- Advertisement -

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa ka Jawaabay  cabasho ay u soo gudbiyeen qaar kamid ah Musharaxiinta u tartameysa Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee Hirshabeelle.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in aysan waxba ka jirin cabashada ay u soo gudbiyeen qaar kamid ah Musharaxiinta kursiga Aqalka Sare ee sumadiisu tahay UH 07, taasi oo la xiriirtay in la jabiyey qodob kamid ah habraacyada doorashada.

- Advertisement -

Guddiga ayaa Musharaxiinta cabashada soo gudbiyey oo qaarkood isaga baxay Magaalada Jowhar ugu baaqay inay dib ugu soo laabtaan deegaan doorashadooda, isla markaana ka qeyb galaan doorashada dhaceysa.

Sidoo kale Guddiga ayaa tilmaamay in kursiga cabashada ka timid doorashadiisa dib loogu dhigay maalinta Axadda, si Musharaxiinta ay u helaan fursad ugu helaan inay ku soo laabtan deegaan doorashadooda.

Musharaxiinta cabashada soo gudbiyay ayaa sheegay in kursigan doorashadiisa uu faragelin toos ah ku hayo Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle, iyaga oo tilmaamay in shaqsi gaar ah lala rabo kursigaasi.

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Guddiga doorashada.

Latest stories