HomeWararFowdo iyo buuq harreeyay Doorasho Caawa ka socotay Magaalada Jowhar

Fowdo iyo buuq harreeyay Doorasho Caawa ka socotay Magaalada Jowhar

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Waxaa goordhow fowdo iyo buuq ay harreeysay doorashada kursigii labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Caawa ka socotay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle. Wareegii koowaad ee doorashada ayaa lasoo gaba-gabeeyay, isla markaana waxaa socotay tirinta codadkii ay dhiibteen Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka, hayeeshee mar qura ayaa howlka ay ka socotay doorashada ka bilaabatay fowdo […]

- Advertisement -

Waxaa goordhow fowdo iyo buuq ay harreeysay doorashada kursigii labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Caawa ka socotay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle.

Wareegii koowaad ee doorashada ayaa lasoo gaba-gabeeyay, isla markaana waxaa socotay tirinta codadkii ay dhiibteen Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka, hayeeshee mar qura ayaa howlka ay ka socotay doorashada ka bilaabatay fowdo iyo buuq.

- Advertisement -

Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle ayaa la arkayay iyaga dood ka qaba qaabkii ay u dhacday doorashada kursiga labaad ee Caawa, waxaana hawada laga saaray dhammaan telefashinadii tooska u soo tebinayay doorashada ka socotay Magaalada Jowhar.

Sidoo kale markii ay xaalada xumaatay oo gacan ka hadal gaartay arrinta ayaa waxaa la maqlayey Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan oo laamaha amniga ka dalbanayay inay howlka ka saaran Xildhibaanada fowdada waday.

Doorashada kursigaan ayaa waxaa ku tartamayey Cali Shacbaan Ibraahim, C/qaadir Xanafi Sheekh, C/llaahi Axmed Tawaad, Caasho Xuseen Abuukar iyo Cabdulle Cabdi Xuseen.

Latest stories