HomeCaalamkaHoggaamiye Koox maleeshiyo Qarxisay Markas Islaami ah oo la xukumay

Hoggaamiye Koox maleeshiyo Qarxisay Markas Islaami ah oo la xukumay

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Hoggaamiyahaasi oo lagu magacaabo Emily Claire Haris oo 50 jir ah ayaa shalay lagu xukumay 53 sano, kaalintii uu ku lahaa Qarixii loo geystay Masjidka Daar Al Farouk Islamic Center oo ku yaalla Deegaanka Bloomington ee duleedka magaalladda Minneapolis ee Gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka. Emily Claire Hari oo 50 jir ah waxa lagu helay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hoggaamiyahaasi oo lagu magacaabo Emily Claire Haris oo 50 jir ah ayaa shalay lagu xukumay 53 sano, kaalintii uu ku lahaa Qarixii loo geystay Masjidka Daar Al Farouk Islamic Center oo ku yaalla Deegaanka Bloomington ee duleedka magaalladda Minneapolis ee Gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Emily Claire Hari oo 50 jir ah waxa lagu helay inuu Qarax la beegsaday Masjidka xilli la tukanyey Salaadda Subax taariikhdu markii ay ahayd bishii Janaayo ee sanadkii 2017-kii, inkastoo aysan cidna wax ku noqonin Qaraxaasi.

- Advertisement -

Eedeysanaha oo loo yaqaano Michael Hari,  ayaa horey Xabsi Daa’in loogu xukumay bishii August 5-dii ee sanadkii 2017-kii Qarixii loo geystay Markazka Al-Farooq Islamic Centre ee ku yaalla Degmadda Bloomington ee Gobalka Minnesota, sidaa waxa lagu shaaciyey Hadal-qoraal oo ka soo baxay Waaxda Caddaalada ee Maraykanka.

Boliska Dembi- baarista Federalka Maraykanka ee FBI waxay Eedeysanaha iyo labo qof oo la socotay gacanta ku dhigeen bishii March ee sanadkii 2018-kii.

Labada Eedeysane kale oo lagu kala magacaabo Michael McWhorter iyo Joe Morris ayaa waxaa  si wadajir ah u qirteen inay ku lug lahaayeen Qarixii Markzka Islaamiga ee Dar Al-farouq loo geystay bishii Janaayo ee sanadkii 2017-kii.

- Advertisement -

Dacwad-Oogayaasha ayaa horey u iclaamiyeen inuu Michael Hari yahay Hoggaamiyaha Koox Maleeshiyo oo lagu magacaabo Bakaylayaasha Cadcad “The White Rabbits” waxay gaari u soo kireysteen si ay u fuliyaan Qaraxaasi.

W/Q: Ustaad Nuuradiin 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts