HomeWararWaare oo sheegay in Guddiga Farmaajo magacaabay uu carqalad ku yahay Cadaaladda

Waare oo sheegay in Guddiga Farmaajo magacaabay uu carqalad ku yahay Cadaaladda

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si kulul uga hadlay Guddiga baarista ee uu Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Maxamed Waare oo qoraal soo dhigay bartiisa  Twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo ee uu xilsaaray baarista […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si kulul uga hadlay Guddiga baarista ee uu Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Maxamed Waare oo qoraal soo dhigay bartiisa  Twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo ee uu xilsaaray baarista kiiska Sarkaalad Ikraan Tahliil ay yihiin kuwo carqalad ku ah Cadaaladda.

- Advertisement -

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Waare ayaa Guddigaas ku tilmaamay inuu yahay mid siyaasadeysan oo aan Cadaalad aheyn, isla markaana rajo xun ka muujiyay baarista ay ku sameeyn doonaan kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay Guddi qaran oo baaris ah u magacaabay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, waxaana Guddigaas hoggaaminaya Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, iyadoona  Farmaajo sheegay in kiiska Ikraan uu yahay mid xasaasi ah.

Dadka falanqeeya siyaasada Soomaaliya ayaa sheegaya in tallaabadan loo arki karo in Madaxweynaha labo ujeeddo ka leeyahay, kuwaasoo kala ah inuu kiiska kala wareego Ra’iisul Wasaaraha iyo tan kale oo ah inuu isaga meyro eeddaha maalmahan loo jeedinayay ee ahaa inuu hortaagan yahay cadaalad u raadinta Kiiska Ikraan Tahliil.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts