HomeWararMuwaadiniin Soomaali ah oo Dil loogu geystay Magaalada Vienna

Muwaadiniin Soomaali ah oo Dil loogu geystay Magaalada Vienna

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Muwaadiniin Soomaali ah ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii lasoo dhaafay lagu dilay Magaalada Vienna ee Caasimadda dalka Austeria, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah dilkaas dhacay. Laba gabdhood Soomaali ah ayaa meydadkooda laga helay Guri ay ka daganaayeen Magaalada Vienna oo da’dooda lagu kala sheegay inay kala aheyd  28-sano jir iyo 37-sanno jir, […]

- Advertisement -

Muwaadiniin Soomaali ah ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii lasoo dhaafay lagu dilay Magaalada Vienna ee Caasimadda dalka Austeria, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah dilkaas dhacay.

Laba gabdhood Soomaali ah ayaa meydadkooda laga helay Guri ay ka daganaayeen Magaalada Vienna oo da’dooda lagu kala sheegay inay kala aheyd  28-sano jir iyo 37-sanno jir, kuwaasi oo kamid ahaa Soomaalida kunool Austeria.

- Advertisement -

Dilka loo geystay labada gabdhood ayaa waxaa la tilmaamay in lagu tuhunsanyahay Wiil dhalinyaro oo Soomaali ah oo 28-sanno jir ah, waxaana la sheegay in mid kamid ah gabdhaha uu xiriir kala dhexeeyay.

Booliska Magaalada Vienna ee Caasimadda dalka Austeria ayaa gacanta ku dhigay wiilka lagu tuhmayo inuu ka dambeeyay dilka dhacay, kaasi oo ay haatan ku wadaan baaritaano kala duwan, isagoona xiligii la qabanayay isticmaalay maandooriye.

Qaar kamid ah dalalka Yurub ayaa waxaa dilal loogu geystaa Muwaadiniin Soomaali ah, halka qaarkood Soomaalida iyagu is dilaan, waxaana dhowr jeer oo horey sidaan oo kale Magaalooyin ku taalla dalalka Yurub dlal loogu geystay Muwaadiniin Soomaaliyeed.

Latest stories