HomeWararMusharax Cabdullaahi Sh Xasan oo ka tanaasulay wareega 2-aad ee Doorashada Aqalka...

Musharax Cabdullaahi Sh Xasan oo ka tanaasulay wareega 2-aad ee Doorashada Aqalka Sare

Date:

Related stories

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...
- Advertisement -

Waxaa goordhow Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle lagu soo gaba-gabeeyay wareega koowaad ee doorashada kursigii ugu horreeyay ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee laga soo doorto deegaanada Maamulkaas.

Doorashada kursiga koowaad ee Senatorada Aqalka Sare ee Hirshabeelle ayaa waxaa ku tartamay Afar Musharax oo kala ah Muuse Suudi Yalaxow, Cabdullaahi Sheekh Xasan, Axamed Xuseen Caddow Daaci iyo Dr. Xasan Caddey Cali.

- Advertisement -

Wareega koowaad ee doorashada Musharax Muuse Suudi Yalaxow ayaa helay 51 Cod, Musharax Cabdullaahi Sheekh ayaa helay 15 Cod, Axmed Xuseen Daaci ayaa helay 28 Cod, halka Dr. Xasan Caddey ayaa isna helay 2 Cod, waxaana halaabay 2 Cod.

Wareega labaad ayaa waxaa u gudbay saddex Musharax oo kala ah Muuse Suudi Yalaxow, Cabdullaahi Sheekh Xasan iyo Axmed Xuseen Caddow Daaci, hayeeshee Musharax Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa ka tanaasulay u tartanka wareega labaad.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa ku dhawaaqay in wareega saddexaad ay u gudbeen Musharaxiinta kala ah Muuse Suudi Yalaxow iyo Axmed Daaci.

Latest stories