HomeWararKoonfur Galbeed oo Maanta kulan ka yeelatay amniga Doorashooyinka

Koonfur Galbeed oo Maanta kulan ka yeelatay amniga Doorashooyinka

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Taliyaha Booliska qeybta Gobolka Baay Gaashaanle Sare Aamin Maxamed Daruur ayaa shir gudoomiyey shirka todobaadlaha Gollaha Amniga dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo ka dhacay Magaalada Baydhabo. Shirka ayaa waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin udiyaar garowga Howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab iyo sidii loo xoojin lahaa sugida amniga Magaalooyinka Maamulka […]

- Advertisement -

Taliyaha Booliska qeybta Gobolka Baay Gaashaanle Sare Aamin Maxamed Daruur ayaa shir gudoomiyey shirka todobaadlaha Gollaha Amniga dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin udiyaar garowga Howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab iyo sidii loo xoojin lahaa sugida amniga Magaalooyinka Maamulka ee lagu qabanayo doorashada.

- Advertisement -

Taliye Aamin Daruur ayaa Saraakiisha kulanka ka qeyb galay u sheegay inay muhiim tahay dardar-gelinta howlaha lagu xaqiijinayo amniga, maadaama Magaalooyinka Baydhabo iyo Baraawe ay ka dhacayaan doorashada Baarlamaanka Federaalka.

Sidoo kale Taliyaha Booliska qeybta Gobolka Baay ayaa shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga Maamulka Koonfur Galbeed, si looga hortegayo falalka amni darro ee xiliyada qaarkood geystaan Al-shabaab.

Magaalooyinka Baydhabo iyo Baraawe ayaa kamid ah Magaalooyinka loo Asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka gaar ahaan Golaha Shacabka, doorashada Aqalka Sare ee Koonfur Galbeed ay ka qabsoontay Baydhabo.

- Advertisement -

Kulankaan dhacay ee looga hadlay amniga ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyeyaasha Ciidamada Booliska, Milateriga, Nabadsugida iyo kuwa Taliska AMISOM ee ka howlgala deegaanada Maamulkaas.

Latest stories