HomeWararAkhriso:-Saddex Senator oo Caawa lagu doortay Magaalada Jowhar

Akhriso:-Saddex Senator oo Caawa lagu doortay Magaalada Jowhar

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Doorashada kuraasta labaad iyo midka saddexaad ee Aqalka Sare ee  Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Caawa ka dhacday Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe. Doorashada kursiga labaad ee Aqalka Sare ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Nuur Maxamed Geedi Canjeex iyo Maxamed Cusmaan Dhega-Juun oo afartii sano ee la soo dhaafay ka […]

- Advertisement -

Doorashada kuraasta labaad iyo midka saddexaad ee Aqalka Sare ee  Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Caawa ka dhacday Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Doorashada kursiga labaad ee Aqalka Sare ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Nuur Maxamed Geedi Canjeex iyo Maxamed Cusmaan Dhega-Juun oo afartii sano ee la soo dhaafay ka mid ahaa senatarada Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

- Advertisement -

Nuur Maxamed Canjeex ayaa markii ugu horeysay ka mid noqday Senatarada Aqalka Sare, isagoona ka guuleystay Dhega-Juun, wuxuuna Musharax Nuur helay codad gaaraya 70 Cod, halka Maxamed uu isna helay 27 Cod.

Sidoo kale Fartuun Cabdulqaadir Faarax Karaama ayaa Cod gacan taag ah ku kusoo baxday, ka dib markii ay u tanaasushay Sacdiyo Yarow oo la tartameysay.

Kursigii ugu horreeyay ee doorashada Aqalka Sare ee Hirshabeelle ayaa waxaa ku tartamay afar Musharax oo kala ah Muuse Suudi Yalaxow, Axmed Xuseen Caddow Daaci, Cabdullaahi Sheekh Xasan iyo DR. Xasan Caddeey.

- Advertisement -

Xildhibaanada dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Muuse Suudi Yalaxow u doortay mar kale inuu Maamulkaas ku matelo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, wuxuuna helay codad gaaraya 55 Cod.

Latest stories