HomeCaalamkaMaxaa ka jira inuu dhintay Mullah Abdul Ghani Baradar?

Maxaa ka jira inuu dhintay Mullah Abdul Ghani Baradar?

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Mid ka mid ah aas-aasayaasha Taalibaan, haddana ah ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda ku-meel gaarka ah ee Afghanistan ayaa maanta baahiyey cod uu ku sheegayo inuu nool yahay, islamarkaana caafimaad qabo, kadib markii baraha bulshada ay qabsadeen warar sheegaya inuu dhintay. Mullah Abdul Ghani Baradar, oo toddobaadkii tegay loo magacaabay ninka ku xiga Mullah Mohammed Hassan […]

- Advertisement -

Mid ka mid ah aas-aasayaasha Taalibaan, haddana ah ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda ku-meel gaarka ah ee Afghanistan ayaa maanta baahiyey cod uu ku sheegayo inuu nool yahay, islamarkaana caafimaad qabo, kadib markii baraha bulshada ay qabsadeen warar sheegaya inuu dhintay.

Mullah Abdul Ghani Baradar, oo toddobaadkii tegay loo magacaabay ninka ku xiga Mullah Mohammed Hassan Akhund oo hoggaaminaya xukuumadda ku-meel gaarka ah ee Taalibaan, ayaa “dacaayad been abuur ah” ku tilmaamay xanta ku saabsan dhimashadiisa.

- Advertisement -

Wararkan la xiriira dhimashiisa ayaa aad u qabsaday baraha bulshada –gaar ahaan dalka India — halkaasi oo lagu sheegay in lagu dhaawacay hoobiye kadib iska horimaad madaxtooyada Afghanistan ku dhex-maray laba koox oo ka kala tirsan Taalibaan.

“Waxaa warbaahinta ku jira warar ku saabsan dhimashadeyda,” ayuu Baradar ku yiri cod ay baahisay Taalibaan.

“Dhowrkii habeen ee tegay, waxaan ku maqnaa safar. Meel kasta oo aan hadda joogo, waan wanaagsannahay dhammaanteen, walaalahey iyo saaxiibadey,” ayuu yiri.

Latest stories