HomeWararCiidanka Kumaandooska Danab oo gacanta ku dhigay degaanno ka tirsan Hiiraan iyo...

Ciidanka Kumaandooska Danab oo gacanta ku dhigay degaanno ka tirsan Hiiraan iyo Shabeellah dhexe

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ee xoogga dalka,ayaa howlgalo qorsheysan ka fuliyay ,deegaano ka kala tirsan Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan. Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanada Gamboole ,ceeldheere macalin ,jameeco jiliyaale,Masiirey,Boqon Gandhi, oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha dhexe, Waxaana saraakiisha hor kacaysa kumaandooska Danab ay sheegeen in ay ku guuleysteen in […]

- Advertisement -

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ee xoogga dalka,ayaa howlgalo qorsheysan ka fuliyay ,deegaano ka kala tirsan Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan.

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanada Gamboole ,ceeldheere macalin ,jameeco jiliyaale,Masiirey,Boqon Gandhi, oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha dhexe, Waxaana saraakiisha hor kacaysa kumaandooska Danab ay sheegeen in ay ku guuleysteen in ay burburiyaan saldhigyadii Al-shabaab ee degaanadaasi.

- Advertisement -

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka marki ay gacanta ku dhigeen deegaanadaasi,waxaa ay baaritaano ku sameeyeen guryaha ,gaadiidka iyo wadooyinka,si looga nadiifiyo miinooyinka.

Taliyaha ururka 7aad guutada 16aad ee kumaandooska Danab Gashanle Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) ayaa sheegay in intii ay howlagaladu socdeen ay gacanta ku dhigeen xubno sar-sare oo ka tirsan Al-shabaab ,iyo hubkii ay wateen,islamarkaana caddaaladda la horkeeni doono, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Howlgaladii ugu dambeeyay ee ay Ciidamada xoogga dalka ay ka sameeyeen ,gobalada Shabeelooyinka ayay guula kaga sheegteen Ciidanka Xooggu, waxaana mararka qaar ka dhaca degaanadaasi iska hor imaadyo khasaaro gaysta oo u dhexeeya labada dhinac.

- Advertisement -

 

Latest stories