HomeCaalamkaSacuudiga oo lagu waayay eedeyntii la xiriirtay weeraradii ka dhacay Mareykanka

Sacuudiga oo lagu waayay eedeyntii la xiriirtay weeraradii ka dhacay Mareykanka

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

FBI-da Mareykanka ayaa Sabtidii soo saartay macluumaadkii ugu horreeyay ee lala wadaago dadweynaha Mareykanka kaas oo la xiriira baaritaankii 11-kii Sebtember 2001, weeraradii lagu qaaday Mareykanka iyo eedeymaha ku aaddan taageerada dowladda Sacuudiga ee afduubayaashii diyaarahada. Soo saarista warbixintan ayaa ka dambeysay amar fulineed uu bixisay Madaxweyne Joe Biden, kaas oo la xiriiray in warbixinta […]

- Advertisement -

FBI-da Mareykanka ayaa Sabtidii soo saartay macluumaadkii ugu horreeyay ee lala wadaago dadweynaha Mareykanka kaas oo la xiriira baaritaankii 11-kii Sebtember 2001, weeraradii lagu qaaday Mareykanka iyo eedeymaha ku aaddan taageerada dowladda Sacuudiga ee afduubayaashii diyaarahada.

Soo saarista warbixintan ayaa ka dambeysay amar fulineed uu bixisay Madaxweyne Joe Biden, kaas oo la xiriiray in warbixinta baaritaanka ee la xiriirka Sucuudi Carabiya dadweynaha loo soo bandhigo.

- Advertisement -

Ehelada dadkii ku dhintay weeraradii September 11 ayaa ugu baaqay Biden inuu ka baaqdo munaasabadaha xuska sanad-guurada 20 -aad haddii uusan daboolka ka qaadin macaluumaadka la xiriira tuhunka laga qabay in Sacuudi Carabiya ay taageertay weeraradii Mareykanka lagu soo qaaday.

Warbixinta FBI-da oo lagu soo koobay 16 bog ayaa lagu sheegay inuu jiray xiriirka ka dhexeeyay afduubayaasha iyo saaxiibo u dhashay Sucuudiga, laakiin aysan jirin wax caddayn ah oo la xiriirta in xukuumadda Riyaad ay ku lug lahayd weeraradaas, oo ay ku dhinteen ku dhawaad 3,000 oo qof.

Sacuudi Carabiya ayaa muddo dheer sheegeysay inaysan wax door ah ku lahayn weeraradaas, iyadoo Safaaradda Sacuudi Carabiya ee Washington aysan ka jawaabin codsi la xiriira sida ay u aragto warbixinta cusub ee la soo saaray goor dambe oo Sabtidii ah.

- Advertisement -

Shan iyo toban ka mid ah 19-ka qof ee diyaaradaha afduubtay ayaa u dhashay dalka Sacuudi Carabiya.

Isha: VOA

Latest stories