HomeCaalamkaMasaajid ku yaalla Magaalada Manchester oo Dab la qabadsiiyay iyo baaris socota

Masaajid ku yaalla Magaalada Manchester oo Dab la qabadsiiyay iyo baaris socota

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Booliska Britain ayaa sheegay inay baarayaan fal dambiyeed dab lagu qabadsiiyay masaajid ku yaalla magaalada Manchester. Ma jirto cid wax ku noqotay dabka galinkii dambe ee habeenkii Jimcada ka kacay masaajidka Desbury, sida ay saraakiisha boolisku sheegeen. Maamulka masaajidka ayaa u mahad celiyay dadka dariska la ah oo dadaal xoog leh ku bixiyay daminta dabka, […]

- Advertisement -

Booliska Britain ayaa sheegay inay baarayaan fal dambiyeed dab lagu qabadsiiyay masaajid ku yaalla magaalada Manchester.

Ma jirto cid wax ku noqotay dabka galinkii dambe ee habeenkii Jimcada ka kacay masaajidka Desbury, sida ay saraakiisha boolisku sheegeen.

- Advertisement -

Maamulka masaajidka ayaa u mahad celiyay dadka dariska la ah oo dadaal xoog leh ku bixiyay daminta dabka, iyagoo adeegsanayay baaldiyaashooda.

Waxa ay intaas ku dareen inay dhowr sano soo gaarayeen hanjabaado ka imaanayay dad ku gooddinayay inay masjidkaas dab qabadsiin doonaan, haddana ay u muuqato in qaarkood ay ka dhabeeyeen hanjabaaddooda.

Howl wadeennada dab damiska ee Greater Manchester ayaa sheegay in shaqaalahooda ay labo saacadood ku sugnaayeen goobtaas, haddana booliska ay baarayaan sababta keentay dhacdadan.

- Advertisement -

Maamulka masaajidka, oo shaaciyay muuqaal ay xilliga dhacdada duubeen kaamirooyinka la socda dhaqdhaqaaqa, ayaa dadka deegaanka ka codsaday inay feejidnaadaan, iyagoo ugu baaqay inaysan aqbalin dadka dhibaatada wada ee dhexdooda ku jira.

Latest stories